Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska oo la weeraray.
Qof kaxeyay Gaari ayaa jiiray kudhowaad 5 Ruux oo marayya buundo u dhow xarunta baarlamaanka Ingiriiska uu ku leeyahay magaalad London ee caasimadda wadankaas.
Qofka Gaariga kaxeynayay ayaa jiiray derbiga xarunta Baarlamaanka, waxaana lagu soo waramayaa inuu dilay hal ruux, isagoona dhaawacay tiro intaas kabadan.
Qofkan weerarka fuliyay oo adeegsanaya Mindi ayaa sidoo kale dhaawacay Askari Booliis ah oo ku sugnaa afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka.
Booliiska Ingiriiska wuxuu sheegay in dhacdadan ay ku tirinayaan inuu yahay weerar Argagaxiso.
Waxaa la maqlay Rasaas xoogan oo goobta ka dhacday, lamana oga cida ridaysay iyo dadka lagu ridayay intuba.
Haweeneyda hogaamisa dalka Ingiriiska ayaa ku sugneyd xilliga uu dhacayay weerarka xarunta Baarlamaanka, waxaana goobta ay kaga baxsatay gaari aan xabadda karin, waxaana dowladda Ingiriiska ay sheegtay iney bad qabto.