Xillibaan katirsan Baarlamaanka Puntland oo dhaawac soo gaaray u Geeriyooday.

Ilo lagu kalsoonyahay oo ay heleyso Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya inuu geeriyooday Xillibaan Cabdil Qaadir Faatax Bootaan oo u geeriyooday dhaawac dhawaan kasoo gaaray qarax lagula beegsaday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xillibaan Bootaan ayaa wax looga qaban waayay gudaha dalka, waxaana la dhigay Isbitaal ku yaala magaaalada Nairoobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay lagu dabiibayay illaa uu maanta ka geeriyoodo.

8-dii bishan Marso ayaa Xillibaan Bootaan waxaa la qarxiyay gaari uu saarnaa xilli uu kasoo baxay hotel ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Dhaawaca xilligas soo gaaray Xillibaanka oo ahaa mid halis  ah waxaa mas’uuliyadeeda sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.