Xillibaan si xun loogu dhaaawacay Gaalkacyo, iyo Gudoomiyihii Luuq oo la weeraray.
Qarax xoogan oo si aad ah looga maqlay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in lagu dhaawacay Xillibaan katirsan baarlamaanka maamulka Puntland.
Qaraxa oo ahaa mid culus, islamarkaana dhawaqiisa laga maqlay inta badan magaalada waxaa lala eegtay Gaari raaxada ah oo uu saarnaa Xillibaan lagu magacaabo Cabdul-Qaadir Faarax Bootaan.
Xillibaanka ayaa kasoo baxay Hotelka Classic oo kamid ah hotellada ugu caansan Gaalkacyo, waxaana uu kusii jeeday gudaha magaalada, waxaana gaaray dhaawac halis ah.
Xaaladda caafimaad ee Xillibaanka ayaa laga dayrinayaa, waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale Qarax midkan lamid ah ayaa duhurnimadii maanta waxa uu ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Qaraxa waxaa lagu weeraray gudoomiyaha degmadaas ugu magacaaban dowladda oo lagu magacaabo Maxa’ed Xassan Geney, waxaana ka dhashay dhaawaca gudoomiyaha iyo dhimashada labo Askari.
Qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa kusoo badanaya magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya, waxaana inta badan weeraradaas ka dambeeya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, walow labadan weerar weli aysan Xarakadu sheegan.