Xukunno Xadu-sariqa Ah Oo Ka Dhacay Sh/Hoose. (Dhageyso)

Xukun Xadusariqa ah ayaa maanta ka dhacay degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose, iyadoo dad badan ay soo xaadireen fagaaraha weyn ee magaalada. Xukunka ayaa lagu fuliyay laba nin oo lagu eedeeyay iney hanti xadeen, kuwaasoo midkood lugta laga gooyay.

Ninka lugta laga jaray oo lagu magacaabo Cabdi Cali Maxamad, oo 25 jir ah ayaa horay gacanta looga gooyay kadib markii uu wax xaday, waxaana haatan soo dacweysatay qof haweeney ah oo uu dukaan ka jabsaday islamarkaana uu ka qaaday hanta ka badan Nisaabka gacanta lagu jaro oo ah rubuc-diinaar, sida uu qaadigu sheegay.

Xukunka Cabdi Cali ayaa ku sugnaaday qirasho, waxaana uu qaadigu amray in lugta bidix laga jaro, iyadoo dadku si aad ah u daawanayeen.

Sidoo kale waxaa isna gacan goyn lagu xukumay Maxamad Xassan Cumar oo 20 jir ah, kaasoo lagu soo eedeeyay inuu Neef Dibi ah ka xaday degmada Jannaale, kadibna maxkamadda horteeda ka qirtay arrintaas, waxaana uu qaadigu ku dhawaaqay in gacanta midig laga jaro.

Dhulka ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ah mid amni ah oo aanan dadka xoolahooda lagu dhicin, waxaana taa ugu wacan xukunka shareecada islaamka oo lagu dhaqo, iyadoo la og yahay in Allaah uu diinta islaamka ku cadeeyay shey walba.

Halkan Ka Dhageyso Qaadiga

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.