Xusni Mubaarak oo weli isku arka inuu yahay madaxweynaha Masar.
Iyadoo dhawaan maxkamad ku taalla dalka Masar ay ka beri yeeshay madaxweynihii hore ee Masaarida Maxamed Xusni Mubaarak inuu dilay dibadbaxayaal isaga kasoo horjeeday sanadkii 2011 ayaa waraysigii ugu horeeyay ee uu bixiyay wuxuu ku sheegay inuu yahay madaxweynaha Masar.
Waraysigan oo uu la yeeshay wargeys kamid ah kuwa ugu caansan ee kasoo baxa dalka Masar laguna magacaabo Codka Umadda ayuu ku sheegay in Xusni uu isagu yahay madaxweynaha dhabta ah ee dalka Masar.
Warysigan uu la yeeshay wargeyska Codka Umadda Maxa’ed Xusni Mubaarak oo ahaa mid dheer, islamarkaana su’aalo dhinacyo badan taabanaya lagu waydiiyay ayaa intooda badan wuxuu uga jawaabay qaab jees jees ah isagoona adeegsanayay jawaabo kookooban oo qaarkood aan la fahmi Karin.
Maxa’ed Xusni Mubaarak wuxuu sheegay in tacaamulka uu la sameeyo dadka kale uu kula dhaqmo asaas ahaan in isagu yahay madaxweynaha Masar.
Waxaa xusid mudan in Maxamed Xusni Mubaarak uu dilay kumanaan Ruux oo shacab Masaari ah kuwaas oo kasoo horjeeday nidaamkiisa kaligii taliska ahaa, waxaana dhowr sano kadib Mubaarak la xukumay inuu beri yahay, iyadoo caalamka oo dhami ogyahay in arintaas ay been abuur tahay, balse wuxuu arinkaas muujinaya musuq maasuqa garsoorka dalka Masar ee uu gacanta ku hayo dhiigyacabka Siisi.