Alshabaab oo soo bandhigtay Buugaag Waxbarasho oo Dugsi Hoose ah.(Sawiro+Maqal)

Muqararaadkaan oo Dugsi hoose ah ayaa waxaa diyaariyay maktabka barbaarinta iyo waxbarashada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Buugaagtaan oo dadaal badan lagu bixiyay daabicistooda ayaa muhiim u ah waxbarashada ubadka Soomaaliyeed, waxaana uu ku baxayaa Manhajka Luuqada Carabiga.

Mawaada Carabiga,Fiqiga,Towxiidka,Tajwiidka,Taariikhda,Jugraafiga iyo kuwa kale ayaa lagu qaadan doonaa manhajkaan waxbarasho ee dugisga Hoose.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Goob joog u ahaa Munaasabada lagu soo bandhigayay buugaagtaan ayaa umahadceliyay maktabka soo diyaariyay ,waxaana umadda Soomaaliyeed uu kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan muqararaadkaan.

Halkan Ka Dhageyso Kalimada Sheekh Cali Dheere.

Bahda waxbarashada ayaa iyaguna soo dhaweeyay manhajkaan, waxaana ay sheegeen inay dhaqan galin doonaan.

Sheekh Cabdiraxmaan Firin oo kamid ah Culimada diinta islaamka oo kalimad ka jeediyay Munaasabada ayaa ku dheeraaday dhibaatada laga dhaxlay manaahijta waxbarasho ee shisheeyaha ka hirgalinayaan Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Kalimada Sheekh Cabdiraxmaan Firin.

Waa markii ugu horeysay Mujaahidiinta Alshabaab oo dagaal kula jira shisheeyaha ay soo bandhigaan manhaj waxbarasho oo dhameestiran iyagoo sheegay inay ku xijin doonaan muqarar waxbarasho oo dugsiga dhexe ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.