Banaan baxyo ka socoda Fenezuwella oo looga soo horjeedo madaxweynaha dalkaas.
Banaan baxyo ay dhigayaan noocyada kala duwan ee bulshada dalka Fenezuwella ayaa ka dhacayay magaalooyin kala duwan oo katirsan dalkaas, kuwaas oo looga soo horjeedo madaxweynaha talada haya Necklos.
Banaan baxyda oo soo billowday dhowr maalmood kahor, waxaa dhigaya taageerayaasha xisbiba Mucaaradka, waxaana ay dalbanayaan in la cayimo waqtiga ay dheceyso doorasahada madaxtinimada, islmarkana cunaqabateynta laga qaado dhaq dhaqaaaqa siyaasadeed ee xisbiga mucaaradka.
Ugu yaraan Afar Ruux ayaa geeriyootay, kadib markii ay haleeshay rasaas nool nool oo uga timid dhanka Ciidamada Booliiska dalkaas, waxaana weli sii xoogeysanaya dibad baxyada.
Maalintii shalay kolonyo gawaari ah oo uu la socday madaxweynaha dalkaas oo kayimid safar dhanka dibaadda ah ayaa dhagxaan lala dhacay, waxaana Booliisku xireen ugu yaraan shan Ruux.