Bangaledesh oo Xukun dal dalaad ah ku fulisay maxaabiis Muslimiin ah.

Xukuumadda ka dhisan dalka Bangaledesh ayaa xukun dal dalaad ah waxay ku fulisay saddex Ruux oo lagu eedayay in dalkaas ay ka fuliyeen weeraro khasaare dhaliyay sanadkii 2004.

dadka xukunka dal dalaadda ah lagu fuliyay waxaa kujira maxadii xarakada Al-Jihaad Al-Islaami oo lagu magacabo Mufti Cabdil xanaan oo 60 sano jir ah, halka labada soo harteyna la sheegay iney ahaayeen La ta taliyaashiisa iyo rag ka garab shaqeyn jiray.

Maxkamad ku taalla magaalada Dakkaa ee caasimadda wadankaas ayaa bishii hore waxay ragani ku riday xukun dal dalaad ah, waxaana lagu eedayay iney fuliyeen weerar dhacay sanadkii 2004, kaas oo lagu dhaawacay safiirkii dowladda Ingiriiska u fadhiyay dalkaas.

Waxaa Sidoo kale lagu eedayay iney fuliyeen weerar ka dhacay afaafka hore ee xafiiska haweeneyda haatan ra’iisul wasaaraha ka ah dalka Bangaledesh, kaas oo isna dhacay sanadkii 2004.

Cabdi Xanaan iyo ruux kale waxaa lagu dilay xabsi ku yaala duleedka magaalada Dakkaa, halka ninka saddexaadna lagu dilay xabsi ku yaala magaalada Seelhiit oo dhacda wuqooyi bari dalka Bangaledesh.

Wasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Bangaledesh oo warbaahinta la hadlay wuxuu xaqiijiyay in dilka lagu fuliyay maxaabiistan.

Dowladda Bangaledesh waxa bilooyinkii ugu dambeeyay fulineysay xukuno dal dalaad ah oo ka dhan ah dad Islaamiyiin ah oo kamid ahaa Jamaacaad islaami ah oo dalkaas ka howlgalay xilliyadii ay socodeen dagaalkii ka dhanka ahaa gumeysiga Ingiriiska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.