Boqollaal Ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Burbur dhuleed ka dhacay dalka Colombia.
Roobab xoogan oo ka da’y magaalooyin dhaca dalka Colombia ayaa sababay burbrur ku yimid dhulka, iyo dhimashada boqolaal ruux iyo dhaawaca kuwa kale.
Sida ay soo tabinayaan Warbaahinta iyo wakaaladaha caalamka, waxaa roobabka ugu xoooga badan ay ka da’een Ikwadoor, iyo Al-Biiru, waxaana ay sababeen burbur ballaaran oo ku yimid dhulka.
Madaxweynaha dalka Colombia ayaa bartiisa twitterka wuxuu kusoo qoray war ku saabsan in xaalad cakiran ay ka jirto dalka Colombia, isagoona sheegay in boqolaal ruux ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiil katirsan hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegaya in dhimashadu ay mareyso 206 ruux, halka dhaawacyaduna ay gaareen 222 Ruux, waxaana jira inkabadan 200 oo ruux oo weli geeri iyo nolol midna lagu sheegin.