Dagaal adag oo ka soconaya Xero ciidan oo ku taalla dalka Afqaanistaan.

Ciidamo Inqimaasiyiin ah oo katirsan Imaarada Islaamiga ee Daalibaan ayaa gudaha u galay xero ciidan oo ay ku suganyihiin kumanaan Askari oo katirsan malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul.

Xerada ciidan ee Mujaahidiintu weerareen waxay ku taallaa gobolka Balakh ee dalka Afqaanistaan, waxaana socoda dagaal faraha looga gubtey oo dhexmaraya ciidamada xerada ku sugnaa iyo kuwa Imaarada.

War horudhac ah oo bartiisa Twitterka uu kusoo qoray Afhayeenka Imaarada Dabiixullaahil Mujaahid, wuxuu ku xaqijiyay in khasaare adag ay gaarsiiyeen ciidamada ay weerareen, isagoona shaaca ka qaaday in weerarku uu weli socodo.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Xerada la weeraray ay degnaayeen ciidamo gaaraya 30,000 oo Askari, waxaana uu sheegay in ragga hogaaminaya howlgalka ay muda dheer ku sugnaayeen xerada oo ay si wanaagsan u garanayaan.

Khasaaraha horudhac ah waxa uu sheegayaa dhimashada inkabadan boqol Askari, halka xukuumadda Kaabul ay qiratay in laga dilay 60 Askari.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.