Dhageyso:Hiirad oo ka Sheekeeyay waxa laga dhaxlay Aadistii Qurbaha.
Cabdullaahi Cali Hiirad oo ah Nin Muddo 15 sanno ku noolaa Dalka dibadiisa oo hadda dagan dalka Ingariiska ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Alfurqaan kaga sheekeeyay waxa laga dhaxlay aadistii Qurbaha oo Soomaali badan ay qabteen wixii ka danbeeyay Burburkii Dowladii Siyaad Barre.
Hiirad ayaa sheegaya in wadamada la aaday oo qaarada Yurub ay kamid tahay in iminka wax badan is badaleen oo dhaqaalahoodii hoos udhacay.
iyadoo dad badan oo udhashay wadamada la aaday ay yihiin shaqo la’aan ayaa waxaa jira dad naftooda haligaya si ay ugaaraan Yurub iyagoo raadinaya nolol.
Cabdullaahi Cali Hiirad waxa uu tibaaxay in dadka tagaya Yurub ay lumiyaan wax badan oo ay ku heysteen dalalkooda.
Qaar badan oo kamid ah Muslimiinta gaaray dalalka gaalada ayaa ku guuleystay in dad badan ay soo galiyeen diinta islaamka.
Hiirad dhanka kale waxa uu sheegay in dagaal dhanka dhaqaalaha uu ku socdo dadka gaaray Yurub iyagoo laga jaray lacago lasiin jiray qoysaska..