Guuto Cusub oo sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay dalka Ruushka.
Bayaan ku qoran luuqadda carabiga oo saqdii dhexe ee xalay lagu faafiyay baraha Internetka gaara ahaan kuwa Jihaadiyiintu isticmaalaan ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda weerar horaantii bishan ka dhacay dalka Ruushka, kaas oo dhimasho iyo dhaawacba sababay.
Bayaanka oo ahaa mid kooban, islamarkaana ay ku saxiixneyd Jamaaco la magac baxday Imaam Shaamil, kana ag dhow Al-Qaacida sida laga dareemi karo bayaankeeda ayay ku sheegtay iney iyadu ka dambeyso weerarkii horaantan bisha ka dhacay qad tareenku isticmaalo oo ku yaala magaalada Saint Ptersburg ee wadanka Ruushka.
“Innagoo ka amba qaadayno walaaltinimada Iimaaniga ee Muslimiinta ku waajibineysa iney u aargudaan walaalahooda, iyo Towjiihaadka Sheykh Ayman Al-Dawaahiri Allaah dhowre iyo Qaacidatul Jihaad ayuu dhaqaaqay libaaxa lagu magacaabo Akbar Jaan Jaliiloof oo ahaa mid kamid ah fursaanta katiibada Imaam Shaamil, wuxuuna saddexbii bishan saddexaad sanadka 2017 uu camaliyad halyeynimo ka fuliyay magaalada Saint Ptersburg” ayaa lagu yiri horudhaca bayaankan.
Katiibadu waxay sheegtay in Weerarkan uu aargud u yahay dadka Muslimiinta ee ku dhaqan dalka Suuriya, kuwaas oo maalin kasta la kulma duqeymo dhanka hawada ah oo ay fuliyaan diyaaradaha dowladda Ruushka.
“Camaliyadani waxay siday fariin cad oo ku socota Ruushka iyo cid kasta oo ku xadgudubta Muslimiinta, taas oo ah in Natiijada ka dhalaneysa dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta ay tahay mid weyn, dembiyada ka dhanka ah Muslimiintana ma noqon doonaan kuwa aan xisaabtan ka dambeynin, suurta gal ma ahan in Ruushku nabad ku noolaadaan, walaalaheena Suuriyana ay ku waaberistaan kuna galabeystaan sawaariikhdooda geerida u sida walaalaheena Mustadcafiiinta”.
Ugu dambeyn Katiibada Imaam Shaamil waxay bayaankeeda fariin ugu dirtey Shacabka Ruushka iyo xukuumadda dalkaas.
Fariinta koowaad ee ku socota Shacabka waxay Katiibadu sheegtay in dembiyada dagaal ee dowladda Ruushka ay ka geysaneyso dalalka Islaamka looga aargudan doona dhiiga shacabkeeda, waxaana lagu waaniyay shacabka Ruushka inuu gacmaha qabto dowladiisa.
Fariinta labaad ee ku socota dowladda Ruushka waxay Katiibadu sheegtay in weerarkan uu horudhac u yahay silsilado weeraro ah oo ka dhici doona dalkaas, kuwaas oo beegsan doona dowladda Ruushka iyo shacabkeeda, waxaana Katiibadu intaas ku dartay inaaney howlgalladeedu joojin karin Tartiibaadka Amniga ee ay sameynayaan laamaha amaanka ee dowladda Ruushka.
Weerarkan oo dhacay 3 bishan ayaa gallaaftay nolosha 15 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 50 kale, waxaana maalinta uu weerarkaas dhacayay ku sugnaa magaalada Saint Ptersbrug madaxweynaha dalka Ruushka Faladamir Butin.
Warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Reer galbeedka ayaa aad u hadal haya sheegashada Jamaacadan ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Saint Ptersburg, waxaana muuqaneysa in weerarkaas uu ahaa mid si wanaagsan looga soo shaqeeyay.