Kudhowaad 10 Ruux oo katirsan Difaaca Madaniga oo lagu dilay Suuriya.
Diyaarad ay leedahay dowladda Ruushka ayaa duqeysay xarun ay leeyihiin kooxaha difaaca madaniga ah oo ku taalla bartamaha dalka Suuriya, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Diyaaradda ayaa si toos ah u beegsatay xarun ay leeyihiin kooxaha difaaca taas oo ku taalla magaalada KufrZeytaa ee gobolka Xammaah bartamaha dalka Suuriya.
Ugu yaraan 8 Ruux ayaa ku dhintay duqeyntan, waxaana sidoo kale jira qof sagaalaad oo shacab ahaa.
Kooxaha difaaca Madaniga ah waxay si wanaagsan uga howlgalaan deegaannada xurta ee dalka Suuriya, waxaana ay yihiin rag u tabbaran iney u gurmadaan dadka Muslimiinta marka ay duqeymo dhacaan.