Kudhowaad 200 oo Ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax ka dhacay dalka Suuriya.
Gelinkii dambe ee maalintii shalay waxaa qarax aad u culus lagu weeraray dad Muslimiin ah oo kasoo baxay magaalooyinka Kufriyaa iyo Fowca ee nidaamka Nusayrigu kaga suganyahay gobolka Idlib, kuwaas oo heshiis maxaabiis is dhaafsi ah kusoo baxay.
Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah gaari nooca xamuulka ah oo ay ku rarnaayeen raashiinka noocyadiisa kala duwan kana yimid dhanka Nidaamka Nusayriyada ayaa qarxay isagoo maraya bartamaha boqolaal Ruux oo muslimiin ah oo kasoo baxay magaalooyinka Kufriya iyo Fowca.
Qaraxu wuxuu ka dhacay mandiqadda Al-Raashidiin ee dhaca duleedka dhanka galbeed ee magaalada Xalab.
Illaa iyo haatan inta la hubo waxa qaraxaas ku dhintay 100 Ruux, halka 55 kalena ay dhaawacmeen, waxaana farta ay ku gudantahay nidaamka Nusayriyada Bashaar Al-Asad oo loo badinayo inuu isagu qaraxan ka dambeeyay.
Heshiis ay dhawaan gaareen Rawaafida Suuriya iyo mujaahidiinta Shaam ayaa waxaa dib xuriyadooda ugu helay kumanaan maxaabiis ah oo ku jiray gacanta Nidaamka, iyadoona dad ku hareereysanaa magaalooyin dhaca Suuriya ay soo gaareen goob aamin ah, waxaana taas bedelkeeda nidaamka Nusayriyada loo daayay dad shiico ah oo ku hareereysnaa magaalooyinka Kufriya iyo Fowca.