Kuxigeenka Donald Trump oo booqasho ku tagay xuduuda Kuuriyada Wuqooyi.
Mike Penis oo ah ku xigeenka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gaaray deegaan dhaca xuduuda dalka Kuuriyda Koonfureed uu la wadaago kuuriyada Wuqooyi, halkaas oo ku yaalo saldhig ciidan oo hoostaga Qaramada Midoobay.
Booqasahda Mike oo timid saacado kadib markii Kuuriyad Wuqooyi ay ku guul darreystay tijaabinta Saaruukh ay gantay ayaa muujineysa cabsida dowladda Maraykanka ka dareemeyso dhanka Kuuriyada Wuqooyi.
Ku xigenka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu si aad ah u dhaleeceeyay Tijabada ay sameysay Kuuriyada Wuqooyi, wuxuuna ku tilmaamay iney tahay mid daan daansi ah, isagoona intaa ku daray in muhiim ay tahay in tallaabo adag laga qaado Kuuriyad Wuqooyi.
Dowladda ay bahwadaagta yihiin ee Kuuriyada Koonfureed ayuu ugu laab qaboojiyay iney garabtaaganyihiin, waxaana socoda buu yiri dadaal caalami ah oo lagu doonayo in meesha looga saaro khatarta ka imaan karta Kuuriyada Wuqooyi.