Sarkaal katirsan dowladda oo lagu dilay Muqdisho.
Rag hubeysan ayaa weerar ku qaadya Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan dowladda federaalka, kaas oo marayay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Sida ay ku waramayaan Goob joogayaal ku sugnaa halka uu ka dhacay weerarka, rag hubeysnaa islamarkaana watay Gaari nooca raaxada ah ayaa isku hor gooyay gaari ay la socdeen saraakiil katirsan dowladda, iyagoona rasaas ooda kaga qaaday saraakiisha.
Waxaa durba goobta ku dhintay sarkaal lagu magacaabo Cabdi dheere oo katirsn saraakiisha wasaaradda Maaliyadda, iyadoona ay dhaawacmeen labo sarkaal oo kale.
Ugaarsiga ka dhanka ah Saraakiisha dowladda federaalka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada qarsoon ee Al-Shabaab ay si dar dar leh u beegsanayaan madaxda iyo ciidamada dowladda federaalka.