Sheekh Xasan Yacquub oo ka hadlay Gurmadka reer Shabeelaha dhexe iyo reer Mudug gaarsiiyeen reer Ceelbuur.

Sadax asbuuc kadib markii ciidamada Itoobiya ka baxeen magaalada ceelbuur ee gobalka galgaduud waxaa lagu arkayaa qoysas soo degay taasoo muuqaalkii magaalada wax ka bedeshay walow dadku weli ay yar yihiin maadaama magaaladu u baahan tahay dayactir balaaran.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan ayaa sheegaya in ay ku guuleysteen in la jaro geed yahuud magaalada gudaheeda ka baxay geesta kalena dib loo howl geliyo ceelkii matoorka ku shaqqeynayay ee magaalada.

Wuxuu intaas ku daray in ay rabaan in la furo isbitaalkii degmada korontadiina dib loo soo celiyo asigoo intaa ku daray in howlaha dayactirka lagu dadaali doono.

Asigoo hadalkiisa sii watta sheekh xasan yacquub wuxuu sheegay in ay ka mahad celinayaan gurmad uga yimid gobalada mudug iyo shabeelaha dhexe kaasoo dadka deegaanka iyo maamulada islaamiga ah ugu tabaruceen reer ceelbuur.

Odayaal ka tirsan kuwa shabeelaha dhexe oo gaadiid ku wada qalabka dhismaha ayaa magaalada ceelbuur tegay dorraad 23 04 2017 waxaanay ku wareejiyeen beelaha duduble iyo murasade oo halkaasu deegaan u tahay.

Dhanka kale gobalka mudug gaar ahaana meelaha shareecada islaamka lagu maamulo dadka degan ayaa keenay lacag loogu tala galay reer ceelbuur si ay dayactirka magalaada ugu kaalmeystaan.

Sheekh xasan yacquub ayaa sheegaya in gurmadkaanu muujinayo sida dadka walaalaha ah ee ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah isu jecel yihiin.

Asigoo hadalkiisa sii watta ayuu sheegaya in reer ceelbuur wax weyn laga bara karo maadaama ay amxaaradi iyo tigreegii magaalada u baneeyeen kadibna la dagaalameen.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Xasan Yacquub W/W/Galgaduud Tayo Dhexe

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Xasan Yacquub W/W/Galgaduud Tayo Sare

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.