Tahriibiyaan ku dhintay Xeebaha Giriiga.

Waxaaa weli socoda qul qulka qaxootiga ay ku doonayaan iney ku galaan qaaradda Yurub,  halkaas oo ay isleeyihiin waxay ka nolol wanaagsantahay dalalka ay ka tagayaan.

Badda u dhexeysa Turkiga iyo qaaradda Yurub ayaa sanooyinkii ugu dambeysay ahayd marinka qoxootiga doonaya iney galaan qaaradda Yurub, waxaana inta lagu guda jiro safarkaas halista badan dhexda ku dhinta boqolaal Ruux oo masaakiin nolol doon ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay dadka Tahriibiyaasha ee ka gudba dhanka Turkiga una gudba dhankaas iyo Yurub ayaa sheegaya in kudhowaad 20 Ruux ay ku geeriyoodeen xeebaha Giriiga kuwaas oo doonayay iney u gudbaan Yurub.

Ugu yaraan 25 Ruux oo saarneyd dooni yar oo ka ambabaxday jaziirad u dhow dalka Turkiga ayaa ku gudoontay meel u dhow xeebaha Giriiga.

Inta la hubo 19 Ruux ayaa dhintay, dhowr ruux oo ay ku jirto haweeney kasoo jeeda dalka Cameron ayaana la badbaadiyay, taas oo xaqiijisay iney dhinteen dadkii doonida la saarnaa.

Dadka ka tahriibaya qaarada Afrika iyo wadamada dagaalada ay ka jiran ayaa aaminsan in nolol fiican ay ka helayaan Yurub, balse taas ayaa ah waxba kama jiraan sida ay sheegeen dadka kasoo laabtay dalalka Yurub.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.