Taxriiru-Shaam oo ku hanjabtay iney u Aargudi doonto dadkii lagu xasuuqay magaalada Khaan Sheykhuun.
Bayaan kasoo baxay hay’adda Taxriiru-Shaam oo ah jamaacada ugu weyn ee Jihaadi ah kana howlgasha dhulka Shaam ayaa looga hadlay weerarkii duqeynta sunta loo adeegsaday ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Khaan Sheykhuun ee gobolka Idlib.
Bayaanka kasoo baxay hay’adda waxaa lagu sheegay iney ka aargudan doonaan Nidaamka Nusayriyada Bashaar Al-Asad, ayna dagaalo waaweyn qaadi doonaan, iyagoona dhanka kale weeraro qorsheysan ka fulin doona xarumaha Nidaamka Bashaar ee magaalooyinka uu maamulo.
hay’adda waxay ugu baaqday guud ahaan Mujaahidiinta Shaam iney qaadaan weeraro iyo dagaallo adag, kuwaas oo lagu muujinayo sida Mujaahidiinta ay uag xunyihiin dhibaatada gaartey dadkooda Muslimiinta ah.
hay’adda Taxriiru-Shaam waxay sheegtay in dembiyada dagaal ee uu kuu kacayo Nidaamka ay sii socdaan maalinba maalinta ka dambeysa, isagoo taageero ka helaya Ruushka iyo Iiraan, waxaana sharciyad dhanka jirintaanka ah siinaya go’aanada iyo qaraaraatka kasoo baxa Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Taxriiru-Shaam.
Maalintii shalay ayaa duqeyn xoogan oo cadowtooyo waxay ka dhacday magaalada Khaan Sheykhuun ee gobolka Idlib, waxaana diyaaradaha ay duqeymahan u adeegsadeen hubka mamnuuca ka ah Aduunka ee Kiimikada, waxaana ku shahiiday duqeymahaas 100 Ruux, iyadooona 400 oo kale ay dhaawacmeen, waxaana markii dambe diyaaradaha Bashaar ay duqeeyeen isbitaallo lagu daweynayay dadka ku dhaawacmay duqeymaha hore.
Bashaar Al-Asad ayaa todobo sano oo xiriri ah wuxuu wadaa xasuuq ka dhan ah dadka Muslimiinta ee Suuriya, waxaana dowaldaha caalamka ay noqdeen kuwa si toos ah u taageera, iyo kuwa si dadban u taageera.