Wasiir hore oo ku dhintay Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa saaka ku geeriyooday mid kamid ah wasiiradii hore ee dowladda federaalka.
Wasiirka geeriyooday waxaa lagu magacaabaa Nuur Faarax Xirsi, wuxuuna soo ahaa wasiirkii hore ee Dekedaha dowladda federaalka.
Wasiirka ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana mudooyinkii dambe uu la daaladhacayay xanuuno soo ritay.
Dhawaan ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay xillibaan katirsanaa baarlamaankii hore, kaas oo markaas lagu waday inuu aado safar caafimaad oo dhanka dibadda ah.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa inta badan waxaa ku dhaca xanuunada dhiigkarka, Sokorta iyo kuwa lamidka ah waxaana la sheegaa iney ugu wacanyihiin cabsida iyo walwalka ay ka qabaan weeraro uga yimaada dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.