Ciidamada Alshabaab oo Gawaari kala Wareegay Ciidan kasoo Gurmaday Baydhabo.

Xili saakay Ciidamada xarakada Alshabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Goofgaduud Shabeelow ayaa Magaalada Baydhabo waxaa laga soo diray Ciidamo gurmad ah oo katirsan Maamulka Koonfur galbeed.

Deegaan la dhaho Makuudo oo udhaxeeya Baydhabo iyo Goofgaduud ayaa waxaa ka dhacay weerar dhabo gal ah oo isku badalay dagaal xooggan.

Ciidamada Shabaabka oo ka warhayay dhaqdhaaqa Baydhabo ka jira iyo Ciidanka lasoo diray ayaa weerar kala hortagay Ciidamada Maamulka Shariif Xasan.

Dagaalka ayaa dhaliyay qasaaro kale oo soo gaaray Ciidamada Soomaalida ah ee Itoobiya kalkaalka ah.

Laba gaari Cabdi bile ah oo ay ku rakaban yihiin qoryaha loo yaqaanno dhashiikaha ayaa lagala haray Ciidamada, waxaana laga gubay gaari kale.

Ciidamada Gurmadka ahaa ayaa ku laabtay Magaalada Baydhabo.

La soco wixii Nagu soo kordhaa inshaa Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.