Ciidamada Alshabaab oo Maanta Dagaal Ku Galay Kulbiyow.

Ciidamo xoog leh oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa maanta dhowr jaha ka wareeray Magaalada Kulbiyow ee Gobalka Jubada Hoose.

Dagaalka oo bilowday saacadu markay ahayd labada subaxnimo ayaa waxaa la isku adeegsaday Hubka Culus.

Ciidamada Xarakada Ayaa si gaar ah uweeraray Xerada Ciidamada Soomaalida ah ay ku leeyihiin Gudaha Kulbiyow.

Maleeshiyada ayaa kala firxaday iyagoo isugu tagay Taliska Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin dulleedka Kulbiyow.

Muddo ku dhaw Hal saac ayay Ciidamada Alshabaab si buuxda kaga talinayeen Magaalada sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

waxaa jira qasaaro ka dhahay dagaalka.

Ciidamada Kenya ayaanan usoo gurman Askarta Maamulka Axmed Madoobe ee lagala wareegay Magaalada.

Kulbiyow ayaa waxaa la xasuustaa in Horaantii sanadkaan uu ka dhacay dagaal lagu laayay Ciidamo Badan oo Kenyaati ah iyagoo laga qabsaday Saanad Hub ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.