Dhageyso:Dersiga Koowaad Kitaabka Min Akhlaaqi salaf.
Aqristayaasha iyo dhagaystayaasha idaacada Alfurqaan waxaan ku wargalinaynaa in webka idaacada iyo barta Telegramka aan kusoo gudbin doonno qaar kamid ah kitaabada ka baxa idaacada Alfurqaan Mudada lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Cullimo kala duwan ayaa duubay Kitaabadaan iyagoo ku sharaxay Luqada Soomaaliga si dadka gudaha iyo dibada ee Soomaaliga ku hadla kaga faa’ideystaan.
Risaalada Min Akhlaaqi Salaf ee uu qoray Dr Axmed Fariid ayaan idiin soo gudbin doonaa.
Risaaladaan ayaa looga hadlayaa wax kamid ah Akhlaaqdii Salafka oo umaddu ay ubaahantahay inay daraaseyso oo ay barato.
Kitaabka waxaa Luqada Soomaaliga ku sharaxaya Sheekh Jaamac Aadan oo kamid ah Culimada diinta islaamka.
Qeybta Hoose ka dhageyso Dersiga Koowaad.