Doorashadii madaxtinimada Faransiiska oo natiijadeeda lagu dhawaaqay.

Emmanuel Macron oo kamid ahaa Musharixiintii u tar tameysay talada dalka Faransiiska ayaa ku guuleystya inuu noqdo madaxweynaha rasmiga ah ee dowladda Faransiiska.

Gudiga Doorashada dalka Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in Emmanuel Macron uu helay codad gaaraya 65.5%, halka haweeneyda la tartameysay ee lagu magacaabo Loobaan taas oo heshay codad gaaraya 34%.

Macron oo jeediyay khudbadiisii ugu horreysay tan iyo markii la iclaamiyay inuu guuleystay ayaa sheegay inuu ilaalinayo midnimada dalka Faransiiska, uuna juhdi badan ku bixin doono wax u qabashada dadkiisa.

Ninkan oo u tartamayay xisbi lagu magacaabo horey u socoda, ayaa lagu sheegay inuu yahay madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara taariikhda Faransiiska waana 39 jir.

You might also like
1 Comment
  1. Abdullaahi osman says

    Tani haddii aanka dhiibto fikradayda waxaan isleeyahay meeshey Mareen kuwii hore umboow mri isne waadne salaamantihiin bahda alfurqaan iyo inta kale ee idiinla joogto dhamaan muslimiin ta idiinlaxiriirtane waan salaamayaa sidoo kale

Leave A Reply

Your email address will not be published.