Dowladaha Carabta oo Walahooda u cusbooneysiiyay Maraykanka.

Magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud waxaa kusoo dhamaaday kulan ballaran oo dhexmaray Donald Trump madaxweynaha Maraykanka iyo madaxda inkabadan 50 wadan oo ku yaala Caalamka Islaamka.

Kulankan oo dhamaadkiisa laga soo saaray qodobo farabadan oo la isku waafaqay ayaa waxaa lagu sheegay in sheyga ugu horeeya ee la isku raacey ayna ballanqaadeen dowladaha Carabta iyo kuwa wadamada Muslimiinta uu yahay iney xooga saaraan la dagaalanka Argagaxisada oo loola jeedo Mujaahidiinta.

Dowladaha ka qeybgalay kulankan waxaa amar lagu siiyay iney cusbooneysiiyaan khudbadaha iyo manaahijta waxbarashasada si baa la yiri ay ula jaanqaadaan fakarka dhex dhexaadnimada, waxaana taas lagu doonayaa in qur’aanka iyo Axaadiitha ka hadlaya Jihaadka looga saaro diinta Islaamka.

Kulankan ka dhacay magaalada Riyaad waxay dad badan oo siyaasiyiin ah ku tilmaameen inuu yahay mid dowladaha Carabta iyo kuwa dalalka Muslimiinta ay ku cusbooneysiinayaan walahooda ay u hayaan dowladda Maraykanka oo sida bandiiradda la dagaalanka Islaamka iyo Muslimiinta.

Aala-Sucuud ayaa balaayiin dollar oo hantida Muslimiinta ah waxay siiyeen Donald Trump, isagoona si gaar ah loo gudoonsiiyay billad sharaf qaali ah oo dahab ka sameysan, waxaana Aala-Sucuud uu mar kale sii cadeynayaa inuu meel sare ka gaaray dabadhilifnimada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.