Dowladda Maraykanka oo qiratay in shacab ay ku leysay duqeymaha ay ka wado dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

War rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada Maraykanka ayay ku qirteen in boqolaal Ruux oo shacab ah ay ku dileen duqeymaha ka socoda dalalka Suuriya iyo Ciraaq tan iyo sanadkii 2014.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Maraykanka ayay ku sheegeen in ugu yaraan 352 Ruux ay ku dileen sanadihii lasoo dhaafay duqeymaha diyaaradaha Maraykanku ka wadaan dalalka Suuriya iyo CIraaq ee muslimka ah, halkaas oo ay ka howlgalaan Jamaacaad jihaadi ah.

Bayaanka ciidamada Maraykanka kasoo baxay oo ka been sheegay xaqiiqda taala fagaaraha ayaa sheegaya in dilka boqolaalkaas ruux uu ku dhacay qaab khalad ah, waxaana taas ay markale muujineysa beentooda maadamaa la ogyahay in dowladda Maraykanka aysan kala saareyn shacab iyo Mujaahid maadama ay labaduba Muslimiin yihiin.

Tiradan ay soo bandhigeen ciiidamada Maraykanka wuxuu ka hor imaanayaa tirakoobyo ay horey u sameeyeen hay’ado caalami ah iyo kuwa maxalli ah, kuwaas oo sheegay in Maraykanka tan iyo sanadkii 2014 uu 3000 oo shacab ah ku dilay dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Duqeymaha sida joogtada ah uga dhacaya dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa laga yaaba in halkii mar ay ku shahiidaan boqolaal Ruux, sida bilo kahorba ka dhacday magaalada Muusil oo uu maraykanku hal mar oo kaliya ku dilay kudhowaad 300 oo Ruux oo shacab ahaa.

(Zolpidem)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.