Faahfaahin Kasoo Baxaysa Weerar Ka Dhacay Kenya.

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar habeenkii xalay ka dhacay degaan lagu magacaabo Amuume oo qiyaastii 20km u jira magaalada Gaarisa, dhulka Soomaalida ee la gumeysto.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig ay halkaasi ku lahaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda Kenya, waxaana dhacday in Kenyaatigu carareen markiiba ay xabbadu billaabatay, taasoo keentay in ciidamada Al-Shabaab la wareegaan xerada hawl gallo baaritaano ahna ka sameeyaan.

Intaasi kadib ciidamada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay shirkadda Safaricom ee dowladda Kenya iyagoo dab qabadsiiyay. Tanina waxay dhabar jab dhaqaale oo weyn ay ku tahay dowladda wadankaasi oo duullaan kusoo qaaday gayiga Soomaaliya, xilli ay horey u heysatay dhul Soomaaliyeed.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.