Maxaa Ka Jira In La Dilay Waaliga Sh/hoose? (Dhageyso)
DF ayaa maalintii shalay shaacisay war ay ku sheegeyso in waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose Sheekh Abu Usaama ku geeriyooday weerarkii fashilmay ee habeenkii jimcaha ka dhacay degaanka Daaru-salaam.
Haddaba si aan wax badan uga ogaano arrimahan ayaa waxaanu wareysanay Sheekh Muxamad Abu Usaama waaliga Sh/hoose ee ay dowladdu sheegtay in ay Mareykanku dileen.
Sheekh Abu Usaama ayaa sheegay in madaxda DF ay waligoodba caan ku ahaayeen beenta iyo jacaylka shisheeyaha, warka hadda kasoo baxayna uu muujinayo xirfad xumid iyo sumcad darro.
Waaliga ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanku ay dharbaaxo adag kala kulmeen weerarkii Daarusalaam, isagoo u mahad celiyay ciidamadii fashiliyay islamarkaana khasaaraha u geystay.
Mar wax laga weydiiyay waxa u sababta ah in weerarada Mareykanku kusoo noq-noqdaan gobolka, ayuu sheegay iney jiraan dhowr arrimood oo sabab u ah, kana mid yihiin: in gobolka ay ka furan yihiin maxkamado ay usoo xukun tagaan shacabka Muqdisho iyo gobolka oo leh kheyraad badan.
Ugu dambeyn waxa uu baaq u diray bulshada ku dhaqan gobolka Sh/hoose, isagoo ku dhiira galiyay iney sii laba jibaaraan wada shaqeynta ay la leeyihiin mujaahidiinta, mar walbaahina kasoo waramaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada Mareykanka.