Qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo ka dhacay gobolka Abyan ee dalka Yaman.
Dalka Yaman wararka nooga imaanaya waxay sheegayaan in Qaraxyo iyo weeraro toos ah lagu qaaday xarumo ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Xukuumadda taagta daran ee Yaman.
Weerarada oo ahaa kuwa culus islamarkaana loo adeegsaday Qaraxyo iyo weerar toos ah waxaa lagu qaaday saldhiga ciidanka Booliiska iyo bar kontorool oo ku taalla magaalada Shaqra ee gobolka Abyan.
Sarkaal katirsan Xukuumadda Haadi oo la hadlay warbaahinta, waxa uu sheegay in weerarkan ay soo qaadeen dagaalyahanno katirsan Alqaacida, balse dhanka Alqaacida majiro war weli kasoo baxay.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay labadan weerar, walow aan lahayn tirada rasmiga ah maadaama xilliga uu dhacay weeraradan xoogan uu ahaa waqti habeen bar ah.
Dagaalka oo la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka waxa uu socoday ugu yaraan hal saac iyo bar, waxaana ciidamada weerarka soo qaaday markii ay howshoodu fuliyeen kadib ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen.