Rajab Dhayib Ordogan oo tagay dalka Maraykanka.

Madaxweynaha cilmaaniga Turkiga Rajab Dhayib Ordogan ayaa booqasho ku tagay dalka Maraykanka tan iyo markii Trump uu noqday madaxweynaha dalkaas.

Ordogan ayaa tagay Aqalka Cad, waxaana kulamo uu la qaatay mas’uuliyiin katirsan maamulka Washighton oo uu ku jiro Donald Trump.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimo farabadan oo ay ku jirto la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada, waxaana Ordogan uu soo ballan qaaday inuu sii xoojin doono dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta.

Trump ayaa Ordogan ku amaanay dowrka muuqda ee uu ka cayaarayo duullaanada ay Reer galbeedku ku qaadeen wadamada Islaamka, waxaana uu sheegay in Turkiga ay tahay Isbaheysi taariikhi ah.

Ordogan ayaa la sheegay in booqashadiisa Maraykanka ay salka ku heysay isku dayo uu ku doonayo in Fatxullaai Golan lagu soo wareejiyo dowladda Turkiga iyo in Maraykanka uu ka laabto go’aankiisa ahaa hubeynta malleeshiyaadka Kurdiyiinta, balse sida muuqato labadaas arinbo midina jawaab fiican kama soo helin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.