Safarkeyga iyo Sanad Barwaaqo ah. Qeybta koowaad.(Sawiro)

Barwaaqo ayaa iminka ka jirta dalka Soomaaliya kadib abaar lagu riiqmay oo dad iyo duunyaba saameysay.

roobka guga ayaa ka curtay gudaha iyo daafaha dalka, xoolaha ayaana doog ka dhergay, waxayna ka soo kabanayaan macluushii ay la taag daraayeen.

beeralayda ayaa abuurtay dalagyo kala duwan iminkana waxay ku jiraan shaqo culus oo  keentay in dad badan dhididku ka hooro.

dadka qaar waxaa faa’iidadaa u dheer  in shareecada islaamka lagu xukumayo deegaanada ay ku nool yihiin.

curashada gugaanu waxay timid anagoo aad ugu hamuun qabna inkastoo gobalada koofurta Soomaaliya oo aan ku suganahay roonaayeen marka loo eego waxyeeladii abaartu ka geysatay gobalada waqooyiga iyo kuwa waqooyi bari.

meelaha qaar xiligaan waxaa adag in la haweysto safar dhulka ah maxaa yeelay roobab ayaa biyo dhigay wadooyinka, dhulka qaarna waa carra madow,  adable iyo meelo la mid ah.

Hadaba Dhawaan ayaa Wariye katirsan Idaacada Alfurqaan wuxuu safar kasoo bilaabay  magaalada kuunyo barrow ee gobalka shabeelaha hoose una dhaw soohdinta ay wadaagaan shabeelaha hoose iyo jubada dhexe isagoo hadafkiisu yahay Magaalada Saakow ee Jubada Dhexe.

Qeybta Koowaad Sheekada Wariyaha ee uu kaga hadlayo wixii uu soo arkay.

Magaalada Saakoow Waxay ii jirtaa  ku dhawaad laba boqol oo kiilow mitir (KM) laakiin jidku ku qumanaa ma marayo sabab la xariirta  in aan gaari ku soco karin, sidaa aawgeed waxaan tiigsanayaa magaalada Jilib si aan cagaf cagaf  uga raaco.

wareeg dheer oo aan mareyno ayaa keenaya in kiilow mitirka safarku aad u dheeraado.

Waxaa in laga sheekeeyo mudan wixii aan la kulmay intii aan ku jiray safarka gaadiidka laga duwan la raacayo lana marayo dhul ay adag tahay in qofka si caadi ah ugu lugeeyo iska daa wax kale’e.

ku dhawaad markii saacaddu ahayd 12 ama lix saax oo maalmeed qofba siduu u yaqaan ayaa gaari  ruuneed ah oo aniga iyo rag kale saaranahay ka dhaqaaqnay kuunyo barow waxaanuu u jaheystay  dhanka magaalada  jilib oo 80 kilow mitir dhinaca gal beed naga xigta.

wadadu waa midda isku xirta Muqdisho iyo Kismaayo laakiin kuunyo barrow iyo ilaa jilib waxaa laamiga gaaray burbur cirib tiray waxaana yar in aad aragto meelo muujinayo in  halkaan laami mari jiray.

waxay isu bedeshay jid cad bur iyo bohol qarka isku haya  ah sidaa aawgeed waqtigaan barwaaqadaa biyaha ayaa fariista meelaha godan taasuna waxay saameysaa gaadiidka iyo rakaabka intaba.

marka laga hadlayo inta u dhaxeysa jilib iyo kuunyo barrow jidku wuxuu ka roon yahay intii aan u maleynayay  inkastoo wadada dhexeeda iyo hareeraheedaba biyo yaaliin.

meel dhexe waxaanu ku soo marnay gaari xamuul ah oo rogmaday caawiyihii darawalka ayaana na soo raacay ilaa aan soo gaarnay deegaanka dhay tubaako halkaa oo qorshuhu ahaa in uu ka hor kaco muruq maal gaariga rarka ka roga.

Dhirtu waa doog indhahaada soo jiidanaya halkaana aad bay howd u tahay waxaana muuqata in deegaankaanu ka mid yahay kuwa jarista dhirta dhuxusha laga shido ka bad baaday.

amniga ayaa ah mid aad u heersareeya mana jirto burcad isbaaro kuu dhiganeysa sidii wadadaan ka dhici jirtay ka hor intii maamulka xarakada mujaahidiinta alshabaab aanuu hana qaadin.

tartiib u socosho iyo meelaha qaar oo aan ku nasanay kadib waxaanu gabal dhicii tagnay magaalada jilib ee gobalka jubada dhexe.

halkaan waa meesha roobka ugu badanu ka da’ay welina dhibicdiisu ku socato dhulkana waa carra madoow ama dhoobooy sidaa aawgeed si toos ah uma socon kartid taag taagsi mooyee.

waxaa noo suura geli weysay in gaarigii aanu wadanay tago guri laynoo diyaariyay si aan ugu hoyano dabeedna lug ayaanu ku tagnay.

la soco qeybta labaad oo sawiro iyo codad leh insha allaah.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.