Safarkeyga iyo Sanad Barwaaqo ah. Qeybta Labaad.(Sawiro+Maqal)

Wali Aqristayaal waxaa inoo socda warbixin Wariyaheena Cabdullaahi Soomaali uu ka diyaariyay socdaal shaqo.

intii aanan jilib ka gudbin waxaa ila qumanaatay in xoogaa warbixin ah aan ka diyaariyo si aan xaalkeeda wax uga ogaano

cirka waxaa saaran daruuro madow kaneecada iyo cayayaan kale oo dhiig miirad ayaana magalaada ka jira sidaa dareedeed waa in xoolaha dab loo shido si ay u kulaalaan dadkuna shandarwe ama maro kaneeco galaan.

biyo fara badan ayaa fariistay gudaha magaalada kuwaasoo ganacsigii iyo isu socadka saameyn ku yeeshay sidaa aawgeed maamulka gobalada jubooyinka ayaa qaatay go’aan loo riyaaqay oo mira dhalay.

waxaan magaalada u soo hoyday iyadoo maanta oo kale la qabtay shaqo weyn taasoo lagu dareeriyay biyo magaaalda dhex ceegaagay shaqadaasna waxaa abaabulay maamulka hase ahaatee inteeda badan waxaa qabtay shacabka oo qalab kala duwan adeegsanaya.

horaantii 2015 ayaan magaaladaan socdaal shaqo ku imid oo aan ka diyaariyay warbixino  dhowr qeybood ah laakiin iminka isbedel hor leh ayaa ka sii muuqda.

xaafad cusub oo weli dhismeysa ayaa magaalada ku soo korortay geesta kalena waxaa  socda dhismaha haan weyn oo la doonayo in lagu keydiyo biyaha ceel magaalada laga qoday dabdeedna waxaa la doonayaa in biyo gelin balaaran la sameeyo.

inkastoo magalaadu horay biyo u lahayd hadana baahi jirta ayaa keentay in ceelkaan la qodo waxaana jira dad badan oo u diyaar garoobaya in ay tubooyin gashadaan.

injineerada iyo shaqaale kale oo loo xil saaray howsha dhismaha iyo biyo gelinta ayaan la kulmay xilli barqo ah oo ay shaqadooda ku jiraan waxaanay ii sheegeen in ay si hagar la’aan ah wax u qabanayaan.

ganasiga magaalada jilib ayaa sii bulaalaya waxaana jira goobo hor leh oo itii aa moogaa laga furay.

waxaa ka mid ah maqaaxi weyn oo la yiraaho geel ma waaye taasoo cuntooyin kala duwan laga helo.

markaan indha indheeyay kana quraacday kadib ayaan la kulmay milkiilaheeda waxaanuu iiga waramay adeegyada ay qabtaan.

jilib waxay ka mid tahay magalooyinka nasiibka u yeeshay in shareecada islaamka lagu maamulo si cadna loogala dagaalamo wixii lid ku ah.

waxaa ku hareereysan dhul beereed balaaran oo sokow roobka dadka ku dhaqanu ka faa’iideystaan biyaha webiga juba oo magaalada meel kaabiga ku haysa mara.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Safarka.

Hoos Ka Daawo Sawirada Jilib.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.