Safarkeyga iyo Sanad Barwaaqo ah.Qeybta Sadaxaad.(Sawiro)
Aqristayaal waxaannu halkaan idinkugu soo gudbinaynaa qeybta sadaxaad Warbixinta Aynnu ugu magac darnay Safarkeyga iyo Sanad Barwaaqo ah oo looga hadlayay safar shaqo oo wariye katirsan Alfurqaan uu ku maray qeybo kamid ah Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose.
Qeybtaana waa tii ugu danbeysay.
Markii aanu tukanay salaadda duhur ayaan dusha ka kornay cagaf naloo diyaariyay si ay noo geyso magaalada Buu’aale oo 120 kiilow mitir jilib u jirta.
waxay u muuqatay in safarka dhabta ahu marka inoo bilowday waxaana loo diyaar garoobay dheelmaad iyo dharaar socod.
waa markii iigu horeysay oo aan cagaf dusheeda koro iska daa in aan ku safro’ oo aan masaafo fog u raac’e.
biyaha jidka geesihiisa yaal iyo dooguba waa saa’id, waxaana dhirtu mareysaa xilligiii reer miyigu oran jireen geedkii aad ku seexato kuma mudayo.
waxaan mareynaa dhul carra madow ah oo tacbashada ku fiican geesta kalena jiq ah oo meelaha qaar ay adag tahay in aad wadada ka leexato.
mindhaa halkaan roobku hadduu maalin ama laba moog yahay tan xigta wuu ku da’aa taas ayaana doogga iyo xareedaba sii kordhineysa.
waxaan sii marnay kanaalka weyn ee mashruucii faanoole kaasoo aan shaqeyn wixii ka dambeeyay 1991 inkastoo iminka xarakada shabaabul mujaahidiin dib u hagaajin ku waddo howshasoo roobabka da’aya aawgood u istaagtay.
makhribkii ayaan ku soo aadnay deegaanka la yiraahdo malaande, waxaana qiyaastii markii ceshaha laga baxay amaba sideeda fiidnimo nimid manaane halkaas oo aan ka cashaynay.
iminka Buu’aale iyo iyo Jilib waa inoo siman yihiin halkii aan rabay oo ah saakowse waa ka sii fog tahay oo kotomeeyo kiilow mitir ayay Buu’aale ka sii shisheysaa.
dhulka ugu daran ee dhiiqada ah ayaan ku soo aadnay xilli habeen ah, raadka wixii sheegle ee aad aaragtaana waxay u badan yihiin cagaf.
meel waliba meeshii ka dambeysa waa ka sii roob badan tahay meelaha qaarna saacado ka hor buu ku da’ay.
saqdhexe ayaa cagaftii dhiigadii ruubatay kadibna in la qodo ayaa la bilaabay hal saac iyo bar ayayna qaatay in laga saaro.
kani waa dhul nabad gelaydiisu heer sareyso kamana baqeysid tuugo, cid qabiil kuu disha.
bulshada deegaaanadaan ayaa ku faraxsan in amniga iyo kala dambeynta la helay kadib ku dhaqanka shareecada islaamka.
dheelmad badan iyo hurda la liicid kadib subaxdii dambe qiyaastii hal saac ayaan tagnay Buu’aale kadibna gaari ayaa saacada yar kadib na geeyay Saakoow.
dad badan ayaa ku xaniban magaalooyin iyo deegaano ka trsan koofurta Soomaaliya madaama isu socodka gaadiidka meelaha qaar hakaday roobka aawgii ha yeesheese meela qaar waxaa laga helaa cagaf la mid ah tan aan safarkaan dheer ku soo galay.
ugu dambeyn waxaa xiiso lahaa kaftankii kooxdeena safarka ahayd iyo weliba darawalka oo u muuqday waayo arag bulsho badan la soo dhaqmay.
Dhammaad.
W/D Cabdullaahi Soomaali.