Sanado kadib, Maraykanka oo ka marqaati furay Gabood Fallada Nidaamka Asad.
Markii ugu horreysay dowladda Maraykanka oo kamid ah dowladaha sida qarsoodida ah u taageera Nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa qirtay in Nidaamka Bashaar Al-Asad uu ku kacayo gabood fallo waaweyn oo ka dhan ah dadka Shacabka ah gaar ahaan Maxaabiista ku xiran xabsiyada Nidaamka.
Marykanka ayaa sheegaya inuu ogaaday in Nidaamka Bashaar Al-Asad uu gubo meydadka maxaabiista ay dilaan ciidamadiisa, waxaana la ogaaday in maalin kasta xabsiyada Saydnaaya lagu dilo 50 Ruux.
La Taliyaha Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka ee dhanka barriga dhexe ayaa Wariyaasha usoo bandhigay Sawirro lagu qaaday Dayax gacmeedyo oo muujinaya wax u eg baraf kudul dhalaalay Xabsiga Sydanaaya korkiisa, waxaana la sheegay in taasi ay tahay heer kulka gudaha kasoo baxayo oo ah mid aad u daran, maadama qeyb kamid ah Xabsiga ay tahay goob lagu gubo meydadka.
Inkastoo wax cusub ahayn gabood fallada Nidaamka Bashaar Al-Asad uu geysto ayaa hadana arinka cusub waxa uu yahay in dowladda Maraykanka oo iska indha tireysay gabood fallada NIdaamka ay si cad u qirayso waxa uu yahay, waxaana taasi muujineysaa halka ay gaarsiisantahay dhibaatada, maadama dhiigya cab uu ku marqaati furay Dhiigyacab kale.