Sheekh Fu’aad iyo Sheekh Xasan Yacquub oo Ka Qeybgalay Machad Ay soo Xiratay Beesha Ajuuraan.(Sawiro+Maqal)
Beesha Ajuuraan ayaa soo xiratay Machad Muddo laba sanno ay wax ku baranayeen arday kasoo jeeda Beesha.
Marti Shafar ay kamid ahaayeen Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf,Sheekh Xasan Yacquub Cali,Sheekh Cabdullaahi Macalim Geedow,Sheekh Cabdiraxmaan Firin ayaa Lagu casuumay xaflada oo ka dhacday Magaalada Bu’aale.
27-kii Bisha safar sanadkii 1435 Hijriga Waa Xiliga Beesha Ajuuraan ay Dhidibada Utaagtay Machadkaan.
Nabad doonno ka socday Beesha Ajuuraan iyo kuwa kale ayaa Goob joog u ahaa Munaasabadaan.
Ardayda Beesha ayaa soo diyaariyay bandhig wax barasho oo ay ku muujinayeen heerkooda waxbarasho.
Kalimadaha laga jeediyay Munaasabada iyo warbixin aynnu ka diyaarinay Xaflada ka dhagayso qeybta Hoose.
Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Machadka Ajuuraan.
Hoos Ka Daawo Sawirada Munaasabada.