Xukuumadda Rawaafida Ciraaq oo dilay kudhowaad 100 Ruux oo Muslimiin ah.
Wararka ka imaanaya dalka Muslimka ah ee Ciraaq oo uu ka socoanyo mid kamid ah dagaallad ugu adag ee dhexmaraya dadka Muslimiinta ah iyo Reer galbeedka duulaanka ah ayaa sheegaya in Xukuumadda Rawaafida Ciraaq ay xasuuq arxan darro ah ugeystay dad Muslimiin ah.
Duqeyn ka dhacday maalintii khamiista xaafad katirsan magaalada Muusil oo inkabadan lix bilood dagaallo xiriir ah ay ka socdaan ayaa waxaa ku shahiiday 80 Ruux oo u badan dumar iyo Caruur masaakiin ahaa,
Dadka la duqeeyay oo sida muuqato si kas ah loo beegsaday ayaa ahaa Qaxooti kasoo barakacay xaafado katirsan magaalada Muusil, waxaana ay ku sugnaayeen dhisme Iskuul oo ku yaala galbeedka magaalada Muusil.
Muuqaallo Naxdin badan oo laga soo duubay duqeyntaas waxay muujinayaan dad hilbahooda ay kala faniineen, waana muuqaal aan isha loo dhameystiri karin.
Dowladda Maraykanka iyo malleeshiyaadka Rawaafida oo is kaashanaya ayaa duulaan cadowtooyo waxay ku qaadeen magaalada Muusil, kaas oo ay ku doonayaan in magaalada ay kula wareegaan, waxaana hortaagan Dhalinyarada Mujaahidiinta Ahlu Sunnaha oo isku dhaarsaday iney difaacdaan dhulkooda.