Abuu Muscab oo ka Hadlay Qasaaraha Weerarka Af-urur.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si kooban war kaga soo saartay Dagaal Khasaaro xooggan dhaliyay oo Ciidamadooda ay ku ekeeyeen Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Deegaanka Af-urur ee Gobalka Barri.

Sheekh Cabdalcasiis Abuu Muscab afhayeenka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo la hadlay idaacadda Afka Shabaab ku hadasha ee Andulus ayaa sheegay in khasaaro baahsan ay dhabarka usaareen Ciidamada Puntland.

“61 Askari ayaannu ku dilnay weerarkii Af-urur Gaadiid dagaalna waa Qaniimeysanay”ayuu yiri Abuu Muscab.

Afhayeenka Ciidamada waxaa uu ka hadlay Tirada gaadiidka ay kula wareegeen dagaalka.

“Waxaannu dagaalka ku furanay 16 Gaadiid oo 9 Ay yihiin kuwa loo yaqaanno Tiknikada ee qoryaha ku xeranyihiin”ayuu raaciyay hadalkiisa Abuu Muscab.

Taliye lagu magacaabo Korneel Cabdullaahi Cumar Canshuur oo VOA la hadlay ayaa sheegay in weerar cullus  saldhigga Af urur ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, isla markaana uu goobta ka dhacay dagaal socday muddo laba saacadood ah.

You might also like
1 Comment
  1. MAMAD says

    Dhadhansiiya Ciidamada mareykanka ee u eg soomaaliga xanuunka xabada oo leeya murtadiinta u shaqeysa cia kurka ka jara

Leave A Reply

Your email address will not be published.