Amisom oo Gawaari Looga gubay Shabeelaha Hoose.
Dagaallo udhaxeeyay Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa katirsan shisheeyaha Amisom oo ay caawinayaan kuwa Maraykan ah ayaa maanta ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose.
Ciidamo katirsan kuwa Amisom ayaa barqadii maanta usoo jiheestay Magaalada Janaale Gobalka Shabeelaha Hoose oo ay kataliso Xarakada Alshabaab.
Ciidamo hubaysan oo katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa dagaal xoogan kala hortagay Ciidamada Ugandha.
Shisheeyaha ayaa lakulmay weeraro isugu jiray dhabbo gal iyo qaraxyo, waxaana laga gubay laba gaari.
Dhanka kale Ciidamo Maraykan ah oo ay wehliyaan kuwa ay tababarteen ayaa kasoo dhaqaaqay Magaalada Afgooye, iyagoo duullaan ku ah deegaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose.
Ciidamada ayaa waxaa qabsaday weeraro dhabbo gal ah oo ku qasbay inay magaalada dib kaga Gurteen.
Laba Gaari oo mid kamid ah uu yahay Taaw ayaa laga gubay,waxaana haatan gaariga Tawga uu ku gubanayaa Bariire.
Goobahii lagu dagaalamay ayaa waxaa iminka maamulaya shabaabul mujaahidiin, Ciidamada huwantana waxay ku laabten xarumahooda.