Deg deg: Al-Shabaab oo La Wareegay Xero Ciidan oo Ku Taalla Degaanka Af-urur Ee Gobolka Bari.

War haatan ina soo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal culus ku qaadeen xero weyn oo ay ciidamada maamulka Puntland ku lahaayeen degaanka Af-urur oo hoos taga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xogta ayaa waxay ku waramaysaa in dagaal muddo socday kadib ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u suura gashay iney la wareegaan xerada iyadoo ciidamadii maamulka Puntland noqdeen, wax dhintay, wax dhaawacmay iyo in carartay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay inoo sheegeen in ay jirto dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray ciidamada Puntland iyadoo meydadku waran yihiin halkii lagu dagaalamay. Intaa waxa dheer in ciidamada Al-Shabaab halkaasi ka qaateen dhammaan qalabkii milatari ee yiilay.

Faah-faahinta waan soo gudbin doonnaa insha’allah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.