Dhageyso Barnaamijka Wax Ka Baro Taariikhda Islaamka (Q-6-aad)
Warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan waxay dhageystayaasheeda bisha Ramadaan awgeed usoo gudbineysaa barnaamij muhum ah oo ka sheekeynaya dowladihii islaamka ee soo maray caalamka, waana barnaamij faa’iidooyin badan xambaarsan.
Barnaamijka oo taxane ahaan doona ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya culimada diinta islaamka, kuwaasoo ay kaalintoodu tahay iney is dul taagaan meelaha u baahan faahfaahinta sharciga ah.
Intaa waxa dheer oo uu barnaamijku si sahlan kuu siinayaa macluumaad ay diraaseyntooda muddo badan kugu qaadan lahayd. Haddaba dhageystayaal ballanteenu waa ka faa’iideysi haboon.