Dhageyso:Barnaamijka Wax Ka Baro Taariikhda Islaamka (Q-18-aad)

Warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan waxay dhageystayaasheeda bisha Ramadaan awgeed usoo gudbineysaa barnaamij muhum ah oo ka sheekeynaya dowladihii islaamka ee soo maray caalamka, waana barnaamij faa’iidooyin badan xambaarsan.

Barnaamijka oo taxane ahaan doona ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya culimada diinta islaamka, kuwaasoo ay kaalintoodu tahay iney is dul taagaan meelaha u baahan faahfaahinta sharciga ah.

Intaa waxa dheer oo uu barnaamijku si sahlan kuu siinayaa macluumaad ay diraaseyntooda muddo badan kugu qaadan lahayd. Haddaba dhageystayaal ballanteenu waa ka faa’iideysi haboon.

Dhageyso Barnaamijka Wax Ka Baro Taariikhda islaamka Q-18-aad.

You might also like
7 Comments
  1. Ja3far says

    السلام عليكم و الرحمة الله و بركاته
    تقبل الله لنا و لكم صالح الاعمال

    Walaalayaal aad ayaad ugu mahadsan tihiin barnaamijyadii xiisaha badan ee aad noosoo kudbiseen bisha barakeysan ee Ramadaan. Allaah miizaankiina xasanaadka ha idiinku ziyaadiyo. Culimadii soo jeedisayna Allaah cilmigooda kii dadku ku intifaacsadaan ha ka yeelo iyagana darajaadkooda kor ha ugu qaado.

    Walaalayaal waxaad sheegteen in sanadkii hore ee 1437 aad soo kudbiseen siiradii Rasuulka (صلى الله عليه و سلم) oo uu jeedinayey sheikh as-shahiid (بإذ الله) balse uma maleynayoo inaad internet-ka soo galiseen, waayo waan ku taxanahay shabakadiina kumanaanan arag duruustaa.

    Fadlan hadii aad haysaan duruustaa uu sheekhu ka tegey, waxaan shecelnahay inaad nosoo gudbisaan. Waxaad soo galin kartaan youtube channel-kiina in shaa Allaah. Amma qeyb mp3 ah u sameeya dhanka duruusta ee page-kan.

    بارك الله فيكم إخوتنا كرام

    1. guuleed says

      Codsigaada waa mid muhiim ah, InshaaAllaah waan isku dayi doonnaa bi ithnillaah.

  2. Adam says

    walaalaha alfurqaan wax ka baro taariikhda islaamka ma qaybta 18aad bay joogtaa? hadday jawaabtu maya tahay xagee laga heli karaa qaybaha kale ee ka bilawda 19aad?.

  3. Ahmed says

    Asc al furaqaan runtii aad baan ugu raaxaystay tariikhdeeni waxay ii ahayd duruus layaab leh oo farxad iyo mirugoba xambaarsan waana tariikh cibro leh oo na tusinaysa qabwaynideenii iyo halkaan dunida ka joognay iyo sida aan maanta u nahay looma ooyaan la bahdilo waa inaan soo ceshana tariikhdeenii iyo sharafteenii

    Walaalaha al fuqaan waxaan ka codsanaynaa ramadaanka soosocda haduu alle idmo iney noosoo daayaan taariikhda bilaadul hindi wa sindi
    Tariikhada muslimiin hindiya oo runtii aan ka mugyarayn tariikhdii andalus

    waa codsi hinda paksitan Bangladesh ilaa asiyada koofureed tariikhdii uu islamku kulahaa ayaa idinka codsanaynaa waa tariikh cajiib ah oo aysan dadku intooda badan aqoon waana meesha ay ku noolyihiin muslimiinta dunida ugu badan

  4. Soomaali says

    Codsi_____codsi____codsi

    ikhwah barnaamijkan “wax ka baro taariikhda islaamka”
    Wuxuu ku eg’yahay qeybta 18-aad kaliya!!

    Waxaan inka codsanaynaa inaad qaybaha kale ee ka dhiman aad soo dhamaystirtaan,

    Sidoo kale waxaa qurux badan
    Inaa barnaamijka u diyaarisaan, sida barnaamijyada kale ee QISATUL ANDALUS, DHULKII AWOOWEYAASHEEN YAA SOO DHICI DOONA, iyo HALGANKII DARAAWIISHTA;

    Waxaan rajaynaa inaa codsigeenna tix geli doontaan”

    1. Axmad says

      Shukran Walaal, Diyaar waaye waan soo gelineynaa sida ugu dhaqsiyaha badan Inshaa’Allaah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.