Hadiyaddo Lagu bixiyay Tartanka Qur’aanka Wilaayaadka.(Sawirro+Maqal)
Tartanka Quraanka Kariimka Wilaayaadka islaamiga ah Soomaaliya oo furmay Maalin Jimco ah oo ku beegnayd 23-kii Bishaan Ramadaan sanada 1438 Hijriga ayaa si rasmi ah maanta loo soo gunaanaday iyadoo lagu dhawaaqay natiijada Tartanka kadibna La Abaal mariyay ardayda kaalmaha hore galay iyo kuwa nasiibkoodu usaamixin inay kaalmaha hore Galaan.
Sanadkaan Tartanka waxaa marti galiyay maamulka islaamiga ah Magaalada Saakow ee Wilaayada Jubooyinka,waxaana ka qeybgalay 27 Arday oo ka socday Wilaayaadka Banaadir,Shabeelaha Hoose,Hiiraan,Gado,Galgaduud,Jubooyinka iyo Bay iyo Bakool.
Tartanka waxa uu ahaa mid xiiso leh waxaana lagu tartamay 30-Juz 15-Juz iyo 10-Juz ee Quraanka Kariimka.
30-ka Juz waxaa ku tartamay 10 Arday,15-ka Juz waxaa ku tartamay 9 Arday halka 10-ka Juzna ay ku tartameen 8 Arday.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdala Waaliga Jubooyinka,Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaliga Wilaayada Galgaduud,Waaliga Gado,Culumaaudiin,Odayaal dhaqan,Ganacsato ayaa ka qeybgalay xaflada hadiyadaha lagu bixinayay ee lagu abaalmariyay ardayda.
Natiijada Ardayda iyo Wilaayaadka Warbixin Ku saabsan Hoos Ka Dhageyso.
Dhageyso Warbixin Ka Hadlaysa Tartanka Wilaayaadka.