Maamulka Alfurqaan oo Muslimiinta ugu Hanbalyeeyay Ciidul Fidriga.

Maamulka iyo shaqaalaha war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan waxay hambalyo u dirayaan dhammaan ummada Muslimka ah meel walboo ay dunida ka joogto gaar ahaan dadka ku xiran mareegta, youteup-ka iyo baraha kale ee idaacadda.

Walaalahayaga Muslimiinta ahow waxaan idin leenahay Alle ha naga wada aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynnu soo sameynay, waxaana Allaah ka baryeynaa in ummada Muslimka ah uu dhibaatada ka dul qaado” Sidaasi waxaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan.

Sidoo kale wuxuu maamulka baraarujinayaa in laga wada faa’iideysto lixda maalmood ee la soomo ciida kadib, laguna dadaalo is kaalmeynta, isu uur fiyoobaanta iyo dhammaan acmaasha kheyrka ah.

Waxaan Aqristayaasheena iyo dhagaystayaasheena ubalan qaadeenaa inaan sii laba jibaarno howsha ay nooga barteen ee ku salaysan soo tabinta dhacdooyinka xaqiiqda ku Qotoma.

Idaacadda Waxa ay tabinaysay bisha ramadaan Barnaamij gaar ah oo loogu magac daray Wax ka barro Taariikhda islaamka.
Barnaamijkaasi oo hal qeyb ay ka harsantahay waxaan webka ku daabici doonaa marka laga baxo maalmaha Ciida inshaa allaah.

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.