Sawirro: Maamulka Islaamiga Ah Ee Sh/hoose oo Xoolo U Qeybiyay Qoysas Ku Ciirtoobay Jiilaalkii Lasoo Dhaafay.
Maamulka islamaiga ah ee Sh/hoose ayaa xoolo boqolaal xoolo ah u qeybiyay qoysaskii ku xoolo waayay jiilaalkii lasoo dhaafay, iyadoo looga dan leeyahay iney dhaqdaan si ay uga maarmaan gacan bani’aadam.
Degmooyinka iyo degaanada laga qeybiyay waxay kala yihiin Kurtunwaarey, Tooratoorow, Qoryooley iyo Kuunyobarrow.
Kurtunwaarey waxaa xoolo la siiyay 15 qoys, iyadoo qoys walba la siiyay 5 neef. Sidaa si lamid ah waxaa Kuunyo barrow laga soo xulay 16 qoys oo dadkii ugu liitay ah, kuwaasoo 15 qoys oo kamid ah la gudoonsiiyay min 5 neef oo Ari ah, halka qoyska 16-aad la siiyay gaari dameer uu horey u codsaday.
Qoryooley iyo Tooratoorow, waxaa laga soo xulay min toban qoys, iyadoo qoskiiba la siiyay 5 neef oo Ari ah. Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa sheegay in arrintan ay ka leeyihiin dhowr ujeedo oo ay kamid yihiin: in dadku hanti yeeshaan oo xoolo dhaqdaan, halka shisheeyaha iyo DF la doonayaan iney qaxooti noqdaan.
Ujeedada loo doortay in Ari la siiyo qoysaskan ayaa waxay tahay in Arigu uu ka tarmi og yahay xoolaha kale. Ugu dmabeyntii qoysaska ka faa’iideystay ol’olahan ayaa maamulka islaamiga ah uga mahad celiyay sida uu bulshadiisa uga war hayo islamarkaana u caawinayo.
Maadha allah alle ha inoo deeyo wiilasheena mujaahidiinta