Sawirro: Qoysas Dan-yar Ah oo Raashin Loogu Qeybiyay Sh/hoose.

Maamulka islaamiga ah Kuunyo-barrow ayaa raashin u qeybiyay 160 Qoys oo kamid ah dadka dan-yarta ah ee ku dhaqan magaalada.

Waxaa la siiyay raashin isugu jira bur, bariis, sonkor iyo saliid, waxaana munaasabadda raashin qeybinta ka hadlay mid kamid ah culimada diinta islaamka, kaasoo dadka ku booriyay Alla ka cabsiga.

Qoysaskan ayaa raashinka ku qaatay si nidaam ah oo deggan, iyagoona maamulka islaamiga ah uga mahad celiyay deeqda uu siiyay. Qoysaska ayaa sheegay in raashinkan la siiyay waqti ay si aad ah ugu baahnaayeen.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.