Sawirro: Tartan Qur’aan Aqris Ah oo Sh/hoose Loogu Qabtay Haweenka.
Sannad kasta marka lasoo gaaro bisha Ramadaan waxaa wilaayaadka islaamiga ah lagu qabtay tartamo kor loogu qaadayo islamarkaana lagu weeneynayo Qur’aanka kariimka ah iyo ahalkiisa.
Mid kamid ah degaanada Sh/hoose ayaa waxaa ka dhacay tartan aad u xiiso badan oo u dhaxeeyay haweenka wax ka barta maraakizta, iyagoo baratankoodu uu ahaa sadax heer.
Qeybta kowaad waxay ku tartameysay 30-ka jus ee uu Qur’aanku ka kooban yahay, qeybta labaad waxay ku tartameysay 15-jus, halka qeybta sadaxaad ay ku tartantay 10-ka jus.
Dumarkan ayaa u muuqday kuwa juhdi iyo dadaal badan ku bixiyay barashada Qur’aanka, iyagoo ilaalinayay makhaarijta xuruufta iyo guud ahaan axkaamta Tajwiidka.
Dhawaan ayaa waxaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo natiijada, waxaana abaal marino la siin doonaa dhammaan ka qeyb galayaasha, iyadoo abaal marin gaar ahaaneed la gudoonsiin doono ardayda gashay kaalimaha kowaad, labaad iyo sadaxaad.