Tartanka Wilaayaadka oo ka furmay Saakow.(Sawirro+Maqal)
Tartanka qur’aanka kariimka ee Wilaayaadka islaamiga ah Soomaaliya ayaa ka bilowday masjidka xamza ee degmada Saakow wilLaayada Jubooyinka
Xaflada lagu daah furayay tartanka ayaa waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin katirsan shabaabul mujaahidiin,Culumaa’udiin,Odayaal dhaqan iyo dadweyne kale.
Sanadkaan waxaa Tartanka ka qeybgalaya Arday ka socota WilLaayaadka Jubooyinka,Bay iyo Bakool,Shabeelaha Hoose,Galgaduud,Banaadir,Gedo iyo Hiiraan.
Furitaanka xaflada ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey waaliga willaayada islaamiga ah Galgaduud Sheikh Xasan Yacquub Cali.
Sheekh Xasan Ayaa Ku dheeraaday fadliga Qur’aanka kariimka isagoo dhiiragaliyay ahlu qur’aanka.
Ardeyda Tartanka ka qeybgalaya ayaa Ku Tartamaya 30 jus 15 jus iyo 10 jus.
Ardayda ayaa sanduuq kala baxaya warqad, waxaana ku qoran shan Su’aal oo laga weydiinayo Qur’aanka Kariimka.
Tartanka ayaa wali socda, waxaana lagu wadaa in Lasoo gabagabeeyo iyadoo la abaal marin doonna ardayda kaalmaha hore gala.
Warbixinta Tartanka Wilaayaadka oo ka Furmay Saakow.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Tartanka.
Tartaka quraanka wilaayadka ee alktaaib soo saartey agar ahaan 15juz