Wilaayada Jubooyinka oo soo Gunnaanaday Tartankii Qur’aanka Kariimka.(Maqal+Sawiro)

Munaasabad Ballaaran oo lagu soo xirayay tartan qur’aan akhris ah oo loo qabtay qaar kamid ah degmooyinka Jubooyinka ayaa lagu qabtay masaajid ku yaala Magaalada Saakow.

Wilaayada ayaa si rasmi ah usoo gabagabaysay Tartanka Qur’aanka ee Heerka Willaayo,waxaana ka qeybgalay 20 Arday oo ka socday 7 degmo oo katirsan wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka.

Ardayda kaalmaha hore galay iyo kuwa ka haray  tartanka ayaa la abaalmariyay.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo kamid ah Mas’uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidin oo Munaasabada ka hadlay ayaa la dardaarmay Ardayda isagoo soo hadal qaaday fadliga qur’aanka iyo xiligii Hore Soomaalida aktooda wuxuu ka ahaa Quraanka kariimka iyo iminka sida loogu koryeelay wilaayaadka.

Ardayda aflaxay ayaa iyagoo matalaya wilaayada Jubooyinka waxay ka qeybgali doonaan Tartanka Wilaayaadka oo la filayo inuu dhawaan dhaco.

Halkan Ka Dhageyso Warbixin Ka Hadlaysa Tartanka.

Hoos Ka Daawo Sawirada Munaasabada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.