Xarakada Alshabaab oo Weerartay Baladweyn,Jalalaqsi,Buulo burde,iyo Halgan.
Dagaallo saf ballaaran ah oo lasoo qorsheeyay ayaa xalay ka dhacay magaalooyin badan oo shisheeyaha kaga suganyihiin gobalka Hiiraan.
Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa weerarada ku ekeeyay saldhigyo ku yaalla Magaalooyinka Baladweyn,Jalalaqsi,Halgan,iyo Buulo burde,
Fariisin Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin dhinac galbeed Magaalada Baladweyn ayaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan.
Ciidamada xarakada ayaa dhowr jaha ka galay saldhigga,waxaana usuurtagashay inay dhufeesyada qaar ka saaraan ciidamada jabuuti.
Shabaabka ayaa halkaasi ka gurtay, lamana hayo khasaaraha soo gaaray ciidamada.
Dagaal lamid ah kii Baladweyn ayaa xalay ka dhacay Magaalada Jalalaqsi.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray saldhigga ciidamda jabuuti kaga suganyihiin Magaaladaasi.
Jalalaqsi dagaalka xalay ka dhacay waxaa udheer in hadda ay madaafiic ku socoto saldhigga Ciidamada jabuuti ee jalalaqsi.
Buulo Burdana waxaa lagu weeraray Ciidamo Soomaali ah oo ku sugnaa buundada Buulo burde.
Dagaalka ayaa socday 50 daqiiqo sida uu idaacada Alfurqaan usheegay wariye ku sugan Hiiraan.
Ciidamada ayaa kala firxaday, waxayna Shabaabku ka Laabteen magaalada.
Ugu danbeyn goobaha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerartay waxaa kamid ah Halgan.
Magaaladaasi oo bisha ramadaan marar badan lagu weeraray ciidamada Itoobiya ayaa dagaalkii xalay waxa uu ahaa mid aad uxoogan sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan halgan.waxaana dagaalka lakulmay Ciidamada Itoobiya.
Idaacada alfurqaan ayaanan wali helin faafaahin ku aadan dagaalada iyo khasaaraha ay sababeen.
Xarakada shabaabul mujaahidiin oo xoojisay halgankeeda jihaadiga ah bisha ramadaan ayaanan wali ka hadlin howlgaladii xalay ay qaadeen ciidamadooda ee ka dhacay Hiiraan.