Aqoon yahan ka hadlay fashilka farmaajjo iyo in soomaalidu dhibaato gacmaheeda ku doonatay (Dhagayso)
Aqoon yahan Cumar Macalin Cabdi xade oo ay wareysatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan ayaa sheegaya in nidaamka dowladda federaalka ahu ku dhaqanto ee galaadu dejjisay aan waxba laga bedelin laakiin waxa la bedelayaa ay yihiin shaqsi arinkaasoo uu ku macneeyay gaari darawalkii uun laga bedelay laakiin asigii aan waxba laga taaban.
Cumar ayaa carabka ku adkeeyay in hadba ninka la keenayo loogu tala galay in umadda baraarugtay lagu weyrixiyo oo lagu seexiyo.
Wuxuu si qota dheer uga hadlay dhibaatooyinka Farmaajjo iyo dowladda uu madaxda u yahay u geystaan dadka soomaaliyeed gaar ahaana reer muqdisho.
Wuxuuu sheegay in madaxda soomaalida ah ee shisheeyaha ku daaban midba kan ka dambeeyaa ka sii xun yahay marka la eego waxyeelada uu umadda u geysanayo iyo la dagaanka diinta islaamka.
Farmaajjo ayuu tilmaamay in uu xirtay xattaa jid caddayaashii iska daa laamiyadii muhiimka ahaaye taasuna keentay in bulshada caasimadda ku dhaqanu cariiri weyn dareento oo dadku soo iibsa waayaan waxay cuni lahaayeen.
Farmaajo ayaa balanqaadyo badan sameeyay markii uu murashaxa ahaa laakiin markii uu kursiga ku fariistay waa uu ka baxay waxaana ka mid ahaa in aan jidad loo xiri doonin iyo in uu safarada dibadda ah yareyn doono arintaana aqoonyahanku waa uu ku nuux nuuxsaday.
Cumar macalin cabdi xade wuxuu ka hadlay dadka baadilka taageeraya xaqana ka soo horjeesanaya ee garabka iyo gaashaanka u noqday gaalada iyo la jirayaasheeda iyo dhibaatada ay dhaxleen.
Wuxuu tilmaamay in dadka soomaaliyeed ay haysato dhibaato ay gacmahooda ku doonteen ama ku kasbadeen asigoo kula taliyay in ay Allaah u towbad keenaan oo ay shisheeyaha iyo wixii la socda beri ka noqdaan.
Geba gebadii ayuu tilmaamay in dhibatadaan looga bixi karo wixii Nabi muxumad umadda dulliga uga saaray oo ah jihaad allaah dartii loo galo.